Home Wararka Maanta Xiliga la dhaarinaayo Baarlamaanka 11naad oo la Shaciyay iyo Doorashada Madaxweynaha oo...

Xiliga la dhaarinaayo Baarlamaanka 11naad oo la Shaciyay iyo Doorashada Madaxweynaha oo Dib u dhacaday.

0

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan xildhibaanada labada Aqal.

5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada xildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Jadwalkaan laguma Sheegin Xiliga la dooranaayo Gudoomiyaha Baarlanaanka iyo waliba kan Madaxwaynaha Soomaaliya taas oo laga Dareemi karo Dib u dhac Xooogan.

Hoos ka eeg jadwalka

Ad
Previous articleMaraykanka oo Madaxda soomaalida ku edeeyey in Alshabaab aybKordhiyaan Weerada ay ku Haayaan shacabka Soomaaliyeed
Next articleJubaland oo Shaacisay Jadwalka 16kii kursi ee Taalay Garbahareey iyo warar kala Duwan oo Kasoo Baxaaya Halka Lagu Qabanaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here