Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Kaliya Sababta uu xilka uga Dagaayo 2026

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Kaliya Sababta uu xilka uga Dagaayo 2026

0

Madaxweyne  Xassan Sh oo lahadlayay Kaamirada Madaxtooyada ayaa sheegay in doorashada xukunka looga qaadan karaa ay noqonayso qof iyo cod ay shacabku codka leeyihiin, taas oo kuqoran sida Madaxweynuhu sheegay dastuurka lagu muransan yahay ee uu dhawaan saxiixay.

Hadalka, madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili xeyndaabka ugu amniga badan magaalada Muqdisho, ee Xalane oo ay degan yihiin safaaradaha Shisheeye maanta uu xirnaa cabsi amni awgeed, Safaaradaha ay xirmeen, Mareykankuna digniin soo saareen, sidaas oo kalena duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagayay Muqdisho loo baajiyey maanta halis amni oo laga baqay weeraro Argagixiso.

Sidaas oo kale, wasiiradii, ganacsato iyo xildhibaanadii ugu badnaa ee DFS ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xili isla xalay weeraro Garneylo loo adeegsaday lagu qaaday Aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Ad
Previous articleXasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la Heshiinaayo iyo Xasan Beri Safar ah
Next articleMusse Biixi “Dadka Xamar joogaa waxay ku leeyihiin Shabaabka nalaynaya ee na qarxinaya ayaa nooga dhaw Somaliland oo la ictiraafo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here