Home Wararka Maanta Somaliland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Somaliland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

0

Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo safray dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay iska gaashadeen hay’adda iyo ciidanka milatariga Somaliland lagu soo qabtay xubnaha Al-Shabaab.

Xubnaha gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban todobo qof oo isugu jiro rag iyo dumar, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Todobada qof ayaa laba kamid ah waxa ay yihiin dumar, kuwaas oo ay Somaliland sheegtay inay xasaas u yihiin Amiiro ka tirsan Al-Shabaab.

“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Kooxdan ayaa ka soo safray deegaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.

Sawirrada xubnahan oo la baahiyay ayaa waxaa haatan ku socdo baaritaano dheeraad ah, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Somaliland.

Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale gacanta ugu dhigtay xubno ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo galay deegaanadeeda.

Si kastaba, qabashada xubnahan ayaa kusoo aadaya, ayada oo kooxda Al-Shabaan ay dhowaan digniin culus kasoo saartay heshiiska badda ee uu Muuse Biixi la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay kulanka golaha ammaanka ee xiisadda Soomaaliya Iyo Xasan Shiikh iyo Abiya oo Kawada Qaybgalaaya
Next articleWar Deg Deg ah:Xamse Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiiiro Cusub kuwa kalana Xilka Ka Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here