Home Wararka caalamka Shariif istakiin iska Aamus Axmed Madoobe Kuma imaan Rabitan Shacab Shalayna adaa...

Shariif istakiin iska Aamus Axmed Madoobe Kuma imaan Rabitan Shacab Shalayna adaa u sacab tumayey

0

Madaxweynaha Maamulka maqaar saarka Ee Baydhabo Shariif istakiin ayaa afka furtay ka gadaal markii heshiis uu uga baxay Hogaamiyaha Maleeshiyaadka Raaskanbooni Axmed Maxamed Madobe (EX AL_SHABAAB) heshiis kaas oo ahaa in Baarlamanka Maamulka Ahmed Madobe tiro muuqato ay ku yeshaan Belaha Xaranweyn oo tiro ahaan uga badan Jubooyinka Besha Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo duushay.

Hogaamiyaha Raaskanboni Ahmed Madoobe oo HobyoMedia Online ay la hadashay waxa uu iska bari yeelay in uu heshiis la galay Shariif ista kiin oo uu shegya in uu san xaq u lahayn in uu fara galiyo arimha Maamulkisa asga oo u marinaya arqad aan sharci ahayn Gudoomiyaha Baarlamanka Jamuriyada Somaliya Pro Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari oo sida uu shegay Madoobe ay ka mideysanyihin Bur burinta Maamulka KMG EE Juba.

Somalida waxa la yiraahda Been wey sheegaan laakin kuma maah mahaan wax ay horay u dhaheen labii baadil ku heshiisa wax ay ku dagalaan xaqa wax ay istuseen in la afduubo dadka Gobalka Shabelada Hoose daga ayada oo loo soo maray Wasiirkii arimaha gudaha Xiligaas Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo wax ka ma jiraan ka soo qaday jiritaanka Dawlad Gobaledkii Shabelle State oo Gobalka Shabelada Hose Guud ahaan hantay gacan kuhayntisa .

Shariif Hogaamiyaha Maamulak KMG Ee K/Galbeed hada waxa uu danbiday in uu shiriyo dhawr xildhibaan oo ku beel ah ayna gudbiyaan Mooshin ka dhan ah sharciyada Maamulka Juba oo ah maamul laga mamulo Nairo Kenya si toos ah.

Maamulada Somaliya Iyo Dawladaha ay kala Hoostagaan.

Somaliland waxa si toos ah looga arimiyaa Wadanka Ethopia waana wada loo soo maro kala qeybinta Qaranka Somaliyeed

Galmudug waxa uu xariir Diplomacy yadeed la lee yahay Jabuuti oo ka saacida Tababarada Ciidanka iyo tayeenta Ciidanka Badda Galmudug State.

Puntland waxa si toos ah looga arimiyaa Wadanka Ethopia waana wada loo soo maro kala qeybinta Qaranka Somaliyeed si lamida Somaliland .

Maamulada Maamulka Gaarka ah.

Jubba waxa loga arimiyaa Wadanak Kenya waxna Kenya ay uga Faaidaysataa Qeyraadka Jubooyinka.

KoonfurGalbeed waxa hada uu la xirtay Ethopia wilina Toos adis uma fara galin oo Samentisa siyaasadeen Ma badna.

Warbaahita Hobyo Media Online ayaa la hadashay Safiirka Somaliya u fadhiya Addis AMB Axmed Cabdi Salan waxa wax ka weydinay arimahan la xariira fargalinta Ethopia Waxana noo soo baxday in uusan hba yarate la socon arinkaa .

BY Wariye Bile Tahliil Elmi Bile Labis

mudug24 Online – Xafiiska Wararka Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here