Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xiisadda...

Wararkii ugu Danbeeyey Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda.

Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha.

Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in is-afagaradkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ay falcelin xooggan oo diidmo ah ka dhalisay Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay inay tahay wax laga walaaco in al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay kooxdu heleyso fursad ay isku abaabusho dad cusubna ku qorato.

Waxay shegetay inay garawsan tahay dareenka xooggan ee Soomaaliya uu cadaadis ku saarayo madaxweynaha Soomaaliya inuu jawaabo, waxayna sheegtay inay ku dhiirigelinayso madaxweynaha inuu jawaabtiisu ahaato mid qiyaasan.

Waxay ku celisay hadalka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midobay ee xaqjijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay yeeshaan wadahadallo wax dhisaya, ayna ka fogaadaan hadallo wax hurinaya ama ficillo sii kicin kara xiisadda.

Wakiilka dawladda Britain ayaa dhinaca kale ka hadlay ka doodista wax ka beddelka dastuurka ee ka bilowday Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in dawladda Soomaaliya ay raadiso wadahadllo wadar ogol ah oo sal ballaaran, si loo xaqiijiyo in hannaankan uu helo taageero ballaaran.
Ad
Previous articleFarmaajo oo ka Hadlay Wixii Maantay lagu Sameeyey Shiikh Shariif
Next articleDowlada Soomaaliya oo Hanjabaad u dirtay Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here