Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Xasan shiikh

Al-Shabaab oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Xasan shiikh

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilli maalmihii dambe uu Dhuusamareeb u joogo abaabulka ka dhanka ah kooxda, si loo soo gaba-gabeeyo wejiga koowaad ee dagaalka.

Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu wado abaabul uu iskugu baabi’inayo beelaha Soomaaliyeed dhexdooda.

“Xasan Sheekh waxa uu rabaa in dabka iskugu dhiibo nimankaan jooga gobolka Galgaduud. Dowlad markale inta qabiil duushaan oo qabiil kale ku duula oo lacag qaata hadda ninkaas inuu madaxweyne aheyn balse waa wax loo baahan yahay in la arko inuu dhameystirayo jiritaanka Soomaali,” ayuu yiri.

Kaba-Kutukade oo u muuqda mid dhinac kale u leexinaya abaabulka uu madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Dhuusamareeb ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha in halkaas u tegay inuu beelaha Galmudug isku diro, uuna isku baaba’asho, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa xaasid xoolo idin wada ee ka xuubsada waxa uu haysto hub iyo lacag, laakiin ha ka yeelina waxa uu idin diraya, haddaa ka yeeshin waxa aad heshaan waad ogaan doontid. Ninkaas waddankiina ka saara,” ayuu yiri Kaba-Kutukade.

Waxa uu intaas kusii daray “Iska ilaaliya waxa uu wado ninkaas (madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud). Waxa uu halka ka abaabulaya wax uu anaga nagula dirirayo oo nasoo gaaraya ma ahan.”

Hadalka Kaba-Kutukade oo u muuqda mid ay kooxda iskaga yareynayso culeyska ka soo fuulay gobollada dhexe iyo abaabulka ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu xarun ka dhigtay madaxweyne Xasan, si loo dardar-geliyo dhameystirka wejiga hore ee dagaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheega inay marar qaar xoqato kaar qabiil, si ay danaheeda uga fushato, inkasta oo hadda baddi qabiilada ku baraarugeen dhagarta kooxda, uuna guluf culus oo ka dhan ah ka socda dalka, haddana waxay kooxda isku dayeysa inay la timaado taatikooyin cusub.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Ad
Previous articleHowlgal Qorshaysan oo Alshabaab looga Dilay Dagalamaayal Badan oo Xalay Saqdhexe ka Dhacay..
Next articleTurkey oo digniin Adag U diray Moscow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here