Home Wararka Maanta UNOCHA ” ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa Soomaaliya ugu geeriyoodeen...

UNOCHA ” ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa Soomaaliya ugu geeriyoodeen tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan”.

0

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo carruur ah ay Soomaaliya ugu geeriyoodeen nafaqo darro abaarta ka dhalatay, tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan.

Xaaladda abaarta ayaa sii xumaatay ka dib markii afartii sano ee isku xigtay ay roobabkii ka di’i waayeen sideed gobol oo dalka ka mid ah, halka lix gobol ay ka da’een bishii May ee sanadkan, taasoo keentay in qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay ay qarka u saaran yihiin macaluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“In ka badan 7 milyan oo qof ayaa ay dhibaatadu saameysey, marka loo eego 6.1 milyan bishii May, in ka badan 805,000-na waa ay barokaceen,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la-hawlgalayaasheeda bini’aadantinimo ay bilaabeen raadinta qorshaha Ka-hortagga abaaraha iyo macaluusha illaa Diseembar 2022 si loo fududeeyo kor u qaadista gargaarka naf-badbaadinta, si looga hortago macluusha dalka.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay u baahan tahay $993.3 milyan oo dollar, si loo fuliyo laguna bartilmaameedsado 6.4 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleShir kenya uga furmaya urur Gobaleedka IGAD iyo Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa
Next articleXasan Shiikh oo Si layaab leh oo Khiyaamay Kenya iyo Kenya Oo Ka Carootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here