Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo 24saac kadib Ka Hadashay Qarixii lagu laayay Ciidamada 14ka...

Dowlada Soomaaliya oo 24saac kadib Ka Hadashay Qarixii lagu laayay Ciidamada 14ka oktoober sheegtayna cida ka danbaysay

0

Dowlada Soomaaliya ayaa 24saac kadib ka hadashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu laayay Ciidmada 14ka Octoober Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Goordhow Faahfaahin ka bixiyay Qarixii Shalay ka dhacay Gudaha Xerada Jaale Siyaad ee degmada Hodan.

gudoomiye aadan Madoobe ayaa shaaciyay in Qaraxaan ay Fududeeyeen Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Xooga Dalaka Soomaaliya oo alshabaab si hoose ula shaqeeya.

aadan Madoobe ayaana Amar ku bixiyay in degdeg loo baaro askartii fududeysey qaraxaas Wuxuuna sheegay in kuwa khaaimiin ah ay ciidanka ku dhexjiraan aadan madoobe ayaana tacsi udiray qoysaskii ay ka geeriyoodeen ciidanka xooga dalka ee Halkaas ku dhamaaday.

ku dhawaad 40 askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 70 askari ciidankaan oo badankood kasoo jeeday gobalka shabeelada hoose.

Magaalada Marka ayaa maantay waxaa ka dhacay Banaanbax culus oo looga soo horjeeday sida hal ciidan qaraxaas loogu shirqoolay ayagoo dalbaday inay baaritaan lagu sameeyo arinkaan.

Ad
Previous articleAgaasimihii Canshuuraha oo Markale Xilka Laga Qaaday Mid Cusubna La Magacaabay
Next articleCiidanka Dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan Ajaaniib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here