Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay...

Wararkii ugu danbeeyey Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay ee Mareykanka qarxiyeen

0

Ciiddanka cirka ee dowladda Maraykanka oo adeegsanayay diyaarado dagaal ayaa burburiyay buufinkii looga shakiyay basaaska ee maalmahan dul heehaabayey qeybo kamid ah hawada Sare ee Maraykanka.

Dowladda Shiinaha ayaa durba si weyn uga carrootay go’aanka dowladda Mareykanka ku burburisay buufinta ay ka shakiyeen, waxa ayna Shiinaha ku tilmaameen tallaabada Mareykanka qaadeen mid laga fiicnaa.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Shiinaha qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay ugana walaacsan tahay tallaabadii dowladda Mareykanka ku burburiyeen awoodda ciidana ugu adeegsadeen fuufinka laga lahaa Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaana lagu  cadeeyay in falkaasi ay ku kaceen ciidamada Mareykanka oo fasax ka heestay madaxda sare ee dalkaasi yahay Xadgudub ba’an oo ka dhan ah dhaqanka Caalamiga.

Dowladda Shiinaha ayaa horey u sheegtay in buufinkan lagu arkay qeybo kamid ah hawada dalka Mareykanka uusan aheyn mid basaas, balse uu yahay mid loo adeegsanayey Cilmi-baaris dhanka cimilada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo heshiis gaaray
Next articleTaliyaha Danab ee Puntland oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad ka taagan Garawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here