Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmayo Baydhabo Iyo Puntland Oo...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmayo Baydhabo Iyo Puntland Oo Diiday inay kasoo Qaybgalaan

0

Magaalada Baydhabo waxaa manata ka furmaya shirka golaha wadatashiga qaran oo ay isugu imanayaan madaxda qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan, ra’iisul wasaare Xamze, kuxigeenkiisa, madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Duqa Muqdisho ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, lama oga in Axmed Madoobe uu maanta madasha shirka tagi doono iyo inuu aalada fogaan araga ee Zoom-ka uu uga qeyb gali doono.

Shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aaday ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka maqan shirka ayaa ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga timid dhanka wakiiladda beesha caalamka, isagoo ku adkeystay inuusan xaadirin shirka khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe darteed.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro, balse soo jeedintaas Deni wuu iska diiday.

Waxaa la soo saari doonaa gaba-ganbada shirka, War-murtiyeed ay ka maqan tahay Puntland, iyadoo aan la ogeyn sida maqnaanshaha maamulkaasi uu u saameyn doono shirka.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo sharuud adag ku xiray dhex-dhexaadin QM iyo Ethiopia ee Laascaanood
Next articlePuntland ooo si Cad u SHeegtay inaysan Doonayn in Soomaaliya Daynta Laga Cafiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here