Home Wararka Maanta Kenya oo Soomaaliya Ka Saaratay Dalalka visa La,aanta Ku tagi kara Kenya

Kenya oo Soomaaliya Ka Saaratay Dalalka visa La,aanta Ku tagi kara Kenya

0

Warsaxaafdeeda ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wax looga baddalay go’aan ay hore usoo saartay oo ahaa, in muwaadiniinta awalba dalkugalka u baahnaa ay weli u baahan doonaan si ay usoo galaan Kenya taas oo liddi ku noqotay hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in gebi ahaanba la qaadi doono xayiraadda dalkugalka.

“Si loo kobciyo dalxiiska sarena looga qaado maalgashiga shisheeye ee dalka, dawladdu waxay meesha ka saartay dalkugalka looga baahan yahay muwaadiniinta dhammaan caalamka ee imaanaya ama dhaxsinka ku noqonaya Kenya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Go’aanka hore ee soo baxay ayaa si qeexan lagu sheegay dalalka iyo dadyowga aan u baahan doonin dalkugalka, taas oo Soomaaliya ka saartay liiskaas maaddaama aan lagu darin dalalkaas.

Dalalka ku bahoobay ururka goboleedka dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay ayaa mid mid loo xusay si loo cadeeyo in aysan u baahnayn dalkugal, halka Soomaaliya laga tagay.

Arrintan ayaa hadal hayn ka dhex dhalisay Soomaalida.

Waxay soo kordhisay dawladda Kenya, nidaam kale oo elektaroonik ah (ETA), kaas oo qofku uu kusoo dalban karo ogolaanshaha in uu dalka soo galo ah.

Ad
Previous articleWasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda ee Itoobiya Iyo Soomaaliland
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal xalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here