Home Wararka Somaliya Dhalinyaro Galmudug ka soo jeeda oo Muddo 13 sana ah xabsi ku...

Dhalinyaro Galmudug ka soo jeeda oo Muddo 13 sana ah xabsi ku jiray oo La fasaxayo (SAWIRO)

0

13-sano oo Xabsi lagu ilaaway Maanta ayay rajo yeesheen” waxayan u dhawdahay in ay xurnimo ay Helaan.

Waa Ku dhawaad 16-dhalinyaro reer Galmudug ah oo ku xirnaa xabsiga wayn ee garoowe, rajadii ay ku hanweynaayeen muddo 13 sano ah in mar uun ay ka bixi doonaan maanta waxay dareemayaan Rajo wanaagsan.

Dhalinyaradan oo la xiray 2008 ayaa haatan ku dhow in Xabsiyada Puntland laga sii daayo kadib markii Dowlada Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxwayne QoorQoor dalbatey in maxaabiistan lagu soo wareejiyo oo ay iyadu masuul ka noqoto xuriyad siintooda maadaama ay yihiin dad kasoo jeeda Deegaanada Galmudug isla markaana tirsanaya cadaalad daro gaamurtey.

Dhalinyaradan reer Galmudug hore loogu xiray falal la xiriira burcad badeednimo inkastoo reerohoodu ku doodayaan in ay ahaayeen kaluumeysato ay qafaasheen awoodaha shisheeye ee ka howlgala badaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleFaah Faahin Ku saabsan Qarax Caawa Ka dhacay Muqdisho
Next articleMadasha Badbaado Qaran oo Farmaajo ku Eedeeyay inuu kala qeybiyay Ciidamadii Qaranka (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here