Home Wararka Maanta Cali Yare Cali oo jawaab culus ka bixiyey hadal uu baahiyey C/raxmaan...

Cali Yare Cali oo jawaab culus ka bixiyey hadal uu baahiyey C/raxmaan C/shakuur

0

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee dhinaca amniga Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo qeyb ka ahaa qoraal uu shalay baraha bulshada ku baahiyey Ergayga Madaxweynaha ee arrimaha abaaraha C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur oo arrimo badan looga hadlay ayaa Cali Yare Cali waxaa uu si gaar ah u beegsaday hadalo ku jiray oo ay ka mid ahaayeen in Madaxweyne Xassan Shiikh lagu keli yeelay dagaalka Al-shabaab, xildhibanada iyo xubnaha kale ee dowladana ay danahooda gaarka ah ku mashquuleen.

Cali Yar Cali ayaa hadalkaas ku tilmaamay wax lala yaabo, isagoo bayaamiyey sida xildhibaanada ka soo jeeda gobolada iyo beelaha halkaas dega u taageereen dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab, welina u garab taagan yihiin. isagoo xusay in hadiiba ay jirto cid Madaxweynaha ku cidleysay dagaalka uu yahay C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

HOOS KA AKHRISO JAWAABTA CALI YARE

Waxaan arkay Xildhibaan Abdirahman Abdishakur oo leh “Madaxweynaha dagaalka waa lagu cidleeyay waana ku kaliyoobay.”

Hadalkaas wuxuu ahaa mid layaab iyo amakaag leh oo lala yaabay.

Marka Soomaalida kale laga soo tago, haddii aan tusaale u soo qaadano deegaannada Beesha Hawiye oo hadda dagaalka xooggiisu ka socdo, Walaaloow, ma Xildhibaannada Hawiye ayaan si buuxda Madaxweynaha ugarabistaagin oo aan tuute xiran qoriga garabka saaran ?

Ma Xildhibaannada Xawaadle ayaan furinta u seexan xoreeynta deegaankooda naftoodana hurin?

Ma kuwa Mudulood ayaan qoriga garwaaxeedsan oo aan ilaa 600KM xoreeyn?

Ma kuwa HG ayaan Baxdo, Wisil, Dhuusamareeb ilaa Xarardheere tagin oo aan dagaal dhab ah cadowga la gelin?

Ma Xildhibaannada Beesha Mursade ayaan ilaa Wabxo qabsan, waloow markii danbe farsamo ciidan looga soo baxay, haddana ay qarka u saaraneeyn qabsashada degmada Ceelbuur?

Ma kuwa Gaaljecel ayaa Baladweyne tagin inkastoo aanay libin keenin ?

Ma Xildhibaannada Gugundhabe ayaan deegaankooda abaabulin waloow ay garab waayeen?

Ma odayaashii dhaqanka ayaan Madaxweynaha si dhameystiran u garabistaagin oo aan naftooda ku weeyn Tardo sida AUN Nabadoon Cilmi Hagar iyo kuwii dhawaan ku shahiiday degmada Masagawaay ?

Ma Taliyaha Xoogga dalka ayaa Madaxweynaha hagraday oo aan halyeeynimo muujin?

Ma Agaasimaha NISA ayaan kaalin muuqata oo horumuudnimo ka qaadan dagaalka socda oo aan caasimaddii dalka nabad lagu naaloodo ku soo dabbaalin ?

Su’aasha u danbeysay oo ah;

Abdirahman, Xildhibaan, walaaloow, adigu hal marna, hal maalin ma booqatay furimaha cadowga lagula dagaalamayo ee beelaha aad matasho ee oo aan magacooda ku soo sheegay ?

Dabcan haddii sida cad jawaabtu MAYA tahay, soo adiga ma noqoneeysid qofka kali ah ee Madaxweynaha ku hagraday dagaalka, marka dagaalka laga soo tago xataa gargaarkii aad ka shaqeeneysay wali halmar ma booqatay deegaannada aad matasho ee dadku ku soo qaxay sida, Wisil, Baxdo, Cadaado, Dhuusamareeb, Guriceel, Matabaan?

Walaaloow, soo maahid nin eed uu leeyahay iyo ceeb u gaar ah dadkale la raadsanaya.?

GARTU ALLEEY TAQAAN.

Ad
Previous articleSenator Faroole oo Digniin U Diray Siciid Deni
Next articleQoyskii uu ka geeriyooday Weriye Koonaa oo la siiyey lacag dhan $12,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here