Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Charles Michel oo kawada Hadlay Dagaalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Charles Michel oo kawada Hadlay Dagaalka lagusoo Afjaraayo Alshabaab(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas ka wada kulamo muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa dalka Belgium kaga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

Maxaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay – hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda.

Ad
Previous articleMuxuu yahay Heshiiska Gudoomiye Aadan Madoobe lasoo galay Mareykanka(Sawiro)
Next articleSababta magaaladan Maraykanka ku taalla ay u diiddan tahay in Soomaali la soo degto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here