Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay ee Shirka Qaramada Midoobey...

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay ee Shirka Qaramada Midoobey ee ka Dhacay Kenya muxuu yiri?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6-aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dareentay saameynta isbeddelka cimilada, ayna ku dhufteen dalka abaaro ba’an oo sameeyay qoysas badan.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada”.

Sidoo lale waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

“In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.

Waxaa kale oo uu xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo arrimahan

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka,  taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.

Ad
Previous articlePuntland oo Ajaanib ay Gacanta Kusoo Dhigtay ku Xukuntay Dil Toogasho ah
Next articleEthiopian Airlines oo Ka Hadlay wixii ay hawada kala kulantay Sabtidii iyo in ay isku dhici gaadheen Qatar Airways

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here