Home Wararka Maanta Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo aano qabiil loogu...

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeelada Dhexe iyo Xiisad aan horay loo arag oo halkaas ka taagan

0

Deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socda dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal, waxaana sii kordhaya dilalka foosha xun ee aanooyinka salka ku haya ee ka dhacaya deegaanno hoostaga degmada Cadale.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ku dilay macalin dugsi Qur;aan iyo afar kamid ah ardaydiisa, kuwaa oo jidka loo galay xilli ay guryahooda kusii jeedeen.

Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa warbaahinta u sheegay in dabley hubeysan jidka u galeen macalinka dugsiga iyo xertiisa, kuwaa uu sheegay xilliga la dilayay in ay ka laabteen guri ay subac ku galeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay, waxaana jidka u galay oo dadkan dilay maleeshiyaad hubeysan ” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

Ad
Previous article21,713 ardey oo Soomaali ah oo Galay Imtixaanka Dugsiga Sare oo ay ka Baastay kaliya 74 arday
Next articleDhacdo naxdin leh oo ugub ah oo ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here