Home Wararka caalamka Al-shabab oo Galgaduud ku toogtay nin ay jaa jus ku shegen

Al-shabab oo Galgaduud ku toogtay nin ay jaa jus ku shegen

0

Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ee ku sugan gobolkaas.

Ninka la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Cali Salaad Majin oo 20-jir ahaa ayaa waxaa xukunkiisa ridday maxkamada deegaanka, iyadoo sheegtay inuu qirtay inuu la shaqeynayay ciidanka Itoobiya.

Qaadiga Maxkamada oo boqolaal qof hor-tooga ka hor akhriyay xukunkan ayaa sheegay in dhamaan eedeymihii lagu soo oogay uu qirtay ninkan, isagoo xusay in Cali Salaad uu gacanta u geliyay Ciidamada Itoobiya dad badan oo muslimiin ahaa sida uu yiri.

“Wuxuu qirtay Cali Salaad inuu isaga mas’uul ka ahaa dad badan oo Muslimiin ah oo ciidamada Itoobiya ku sugan Ceelbuur inuu u gacan geliyay”ayuu yiri Qaadigii Maxkamada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu uga digay dadka inay la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur, isagoo xusay in cid kasta oo ay ku helaan inay jaajuus u tahay Ciidamada AMISOM aysan cafin doonin.

Al-Shabaab ayaa horay dilal ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen sirdoonada reer galbeedka, Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaanahan ay soo bandhigeysay muuqaal kala duwan oo ku saabsanaa dadkii ka dambeeyay duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here