Home Wararka caalamka Akhriso Cadaado oo looga Dhawaaqay Gudiga Fududeynta Howlaha Shirka Cadaado…

Akhriso Cadaado oo looga Dhawaaqay Gudiga Fududeynta Howlaha Shirka Cadaado…

0

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud looga dhawaaqay guddi ka kooban 33 xubnood, kaasi oo loogu tala galay inuu fududeeyo howlaha shirka ee ka furmi doona degmadaasi, halkaa oo maaml loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

 

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji ayaa sheegay in gudigaan ay isugu jiraan Odayaal dhaqameen, aqoonyahano iyo xubno kale oo muhiim u ah shirka Cadaado.

 

Waxa uu sheegay Afhayeenka in gudigaan ay fududeyn doonaan waxyaabo badan oo dhanka shirka ah, sida khilaafyada yimaada iyo u fududeynta ergada waxyaabaha ay doonayaan.

 

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Cadaado ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka maamulka lagu dhisayo, islamarkaana ay diyariyeen meelihii ay degi lahaayeen Ergada iyo sidoo kale halkii shirka lagu qaban lahaa.

 

Amaanka guud ee magaalada Cadaado ayuu sheegay Afhayeenka in uu aad u hagaagsan yahay, islamarkaana magaalada oo dhan laga dareemayo u diyaar garowga shirkan.

 

Halkaan hoose ka dhageyso

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here