Home Wararka Maanta Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo laga helay COVID-19

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo laga helay COVID-19

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka xalay, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.

Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shakiga inuu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID.

Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID, ayaa had iyo jeer lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask.

Ad
Previous articleCali Jayte oo Dhaliilay Qaabka Dowladu u Wajahayso Wajiga Labaad Ee Dagaalka
Next articleNin Suudani ah oo sheegay in uu aasay 20 qof oo wadada looga tagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here