Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka...

Midowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka

0

Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub.

Midowga Yurub ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden u gudbiyey sida xooggan ee ay u diiddan yihiin Qur’aanka lagu gubay dalkaas.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub, isagoo xusay inaan lagu tilmaami karin xoriyatul qowl la difaacayo.

“In la gubo kitaabka Qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah. Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub

“Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu difaaco xorriyadda diinta ama caqiidada iyo xorriyadda hadalka, dibadda iyo gudaha. Hadda waa waqtigii loo wada istaagi lahaa is-faham iyo is-ixtiraam, lagana hortagi lahaa dhibaato kale oo soo kororta.” ayuu yiri afhayeenka Midowga Yurub.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Abuukar Jawiin Caddow
Next articleMuxuu yahay xanuunka Joe Biden hurdada u diiday ee uu Aqalka Cad shaaciyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here