Home Wararka Caalamka Alshabaab oo qarax Ku weeraray Xildhibaan Ka Tirsan Kenya

Alshabaab oo qarax Ku weeraray Xildhibaan Ka Tirsan Kenya

0

Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Axada aheyd qarax nooca miinada ah ciidamo galbinayey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi lagula eegtay duleedka magaalada Gaarisa.

Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Booliska Kenya oo markaas ilaalinayey xildhibaan Ibraahim Cabaas iyo wafdiisa oo maraya wadada Ijara.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, waxaana qaraxa ka bad-baaday xildhibaankii la socday gaadiidkaasi.

Askarta ay waxyeelada dhaawac ah soo gaartay ayaa la geeyey Manda Bay, si loogu daaweeyo xaaladdooda caafimaad, maadaama qaarkood ay halis yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo weerarka qaraxa ah, kadib howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uyu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, mana jirto cid ay falkaas usoo qatbteen saraakiisha laamaha ammaanka ee waddanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa dalka, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ugu jiraan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

 

 

 

Ad
Previous articleUK oo qaaday talaabo uu Ruushka horay uga digay oo sheegay in ay cawaaqib xumo ka dhalan doonto hadii laqaado.
Next article“Waan dhacay oo Suucay Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here