Home Wararka Maanta Shiikh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika (Sawirro)

Shiikh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay  shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo maanta ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Geeska Africa iyo sidii loo soo afjari  lahaa cuno yaraanta  ay wajaheeyso qaarada Africa ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeyneyso  wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya  in iskaashi balaaran  laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe)  ayaa  adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda  ummadda qaaradana  lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada.

Ad
Previous articleXogta kulankii madaxweyne Xasan iyo Michael Langley
Next articleBoqolaal askari oo ku dhintay xero uu tababar uga socday & Sababta ka dambeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here