Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Suuqa Bakaaraha iyo Qaraxyo layaab...

Wararkii Ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Suuqa Bakaaraha iyo Qaraxyo layaab leh oo loo adeegsay Dukaamo Ganacsi

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaasi.

Yabooh ayaa marka hore beeniyay in weerarka uu ahaa hoobiye, wuxuuna sheegay inay ahaayeen qaraxyo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxba kama jiraan hoobiyeyaal wax la yiraahdo suuqan laguma garaacin qaraxyo caadi loo waday waayay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Waxa halkan ka dhacay waxa ay ahaayeen beegsi la beegsanaayay ganacsatada, gaar ahaan ganacsatadii maanta halkan dhibka uu ku gaaray” ayuu mar kale yiri.

Maxamed Yabooh ayaa sidoo kale intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan weerarkan oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Baaritaanka ayaa weli socda oo hay’adaha ammaanka ay ku mashquulsan yihiin haddii uu Ilaah yiraahod gadaal ayaan faahfaahin rasmi ah laga bixin doonaan” ayuu sii raaciyay.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay amniga suuqan oo ay gaysat ciidamo dheeraad ah.

Horay sidan oo kale waxaa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo garoonka diyaaradhaa ee Aadan Cadde.

Ad
Previous articleNinkii Xaaskiisa Ku Gubay Muqdisho oo laga soo Qaaday Garoonka Gaalkacyo
Next articleEhelada luul Cabdicasiis oo Aan wali Duugin Gabadhoodi Dalab Cusubna Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here