Home Wararka Somaliya Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo Kormeer ku tagay degaano u dhow Magaalada...

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo Kormeer ku tagay degaano u dhow Magaalada Dhuusamareeb

0

Kormeerkan oo ku qotomey xoojinta nabadgalyada iyo ogaanshaha baahiyaha bulshadu qabto ee dhinacyada horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada ayuu Guddoomiyaha Dhuusamareeb ahna duqa Caasimadda Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qorow oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidanka birmadka Booliska Galmudug ku gaareen deegaanno hoostaga Caasimadda sida Gadoon oo qiyaastii dhowr iyo sodon km ujirta Magaalo madaxda Galmudug.

Mas’uuliyiiinta uu hoggaaminayay guddoomiyaha Caasimadda oo ay soo dhoween waxgaradka deegaanka ayaa bulshada la qaatey kulamo lagu turxaan bixinayay dalabaadka bulshada ee dhameystirka adeegyada deegaankan ka maqan sida biyaha, waxaana kulamadan dadwaynuhu ku dalbadeen in loo suuragaliyo howlgalinta saldhigga Booliska oo hore loogu dhisey isku tashi bulsho.

Cabdinaasir Cabdiasiis Qooje Guddoomiyaha Deegaanka Gadoon oo wafdigan soo dhaweeyay ayaa xusay in bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabaan helidda adeegyada aas assign u ah.

Taliyaha Ciidanka Birmadka Booliiska Galmudug Captain: Axmed Cabdikariin oo si gaar ah ula hadley waxgaradka deegaanka ayaa uga digey in ay gaashaan u noqdaan dambiilayaasha ay ku raad joogaan Ciidanka Ammaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb oo gunaanadka kulanka ka hadley ayaa xaqiijiyey in juhdiga ugu weyn ay ku bixinayaan nabadgalyada, ayna ka jawaabi doonaan wax ka qabashada baahiyaha ka jirta deegaanka.

Ad
Previous articleDhageyso Dagaal xoogan oo ka socda Gobalka Mudug iyo Shaqsi caan ah oo Hogaaminaya Dagaalka
Next article(Akhriso) Midowga Musharixiinta oo ka digay shan caqabadood oo heysta doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here