Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)

Wasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Baxdo oo ka tirsan Galgaduud, ee Galmudug iyada oo inta uu joogay uu fuliyey barnaamijka “Xorriyad Ku Ciid”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa marka hore ka degay degmada Cadaado iyada oo halkaasi ay ka sii raaceen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug uu ka mid yahay Maxamed Aadan Gaboobe oo ah Wasiirka Amniga Galmudug iyo qaar kale, waxaa ayna safar dhulka ah ku tageen degmada Baxdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalla iyo Dib u heshiisiinta ayaa goobjoog ka noqday barnaamijka “Farxad Ku Ciid” ee degmada Baxdo kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer ee Federaal iyo midda Galmudug iyada oo dadka deegaanka loo qeybiyey raashiin oo isugu jira Bariis, Bur, Sonkor, Caano, Saliid iyo Timir. Barnaamijkan ayaa gebogabo u ahaa “Xorriyad Ku afur” oo socday bisha Ramadaan.

Qaar ka tirsan dadka Baxdo kunool ee ka faa’ideydtay Farxad Ku Ciid oo hadlay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda, iyaga cod dheer ku dalbaday in la iska celiyo, lagana xoreeyo deegaannada ay heystaan Khawaarijta.

Axmed Salaad Sheekh Dheere, guddoomiye ku xigeenka degmada Baxdo oo isna hadlay ayaa ka mahadceliyay cunnada loogu talogalay farxadda ciidda, isaga oo ugu baaqay dadka kunool deegaannada ay Khawaarijta joogto in ay iska xoreeyaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ergay u magaacabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Deegaanka Budbud Galmudug ee Dhawaan Laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here