Home puntland Maqaal=Galmudug Ama Gaabso Ama Guul By= Wariye Bile Labis …

Maqaal=Galmudug Ama Gaabso Ama Guul By= Wariye Bile Labis …

0

Bile labis- Waxaa mudo ka badan labo sano si aan hor u socod la heen u socday dhameestirka Maamulka Galmudug Ee Gobalada dhexe oo aan wili suurta galin in la dhameestiro marka laga reebo rajo  aan caga weyn ku taag neen oo dadka G/dhexe ay ka qobaan in mar un maamul mid ah loo dhiso Mudug iyo Galgaduud(Galmudug)

 

Dadka Gobalada dhexe ayaa la yiraahdaa waa dadka ugu fir fir cood umada Somaliyeed waxse jawaab ma doonta ah in ay yihiin (lamood mase noqon) waxa wili hortaagan dhisida Maamulka gobalaad dhexe laba arin oo is biirsaday kuwaas oo kala ah 1 siyaasiinta iyo dadka gobalada dhexe oo aan isku tashan (self determination) iyo qodobka labaad o ah Dawlada oo aan hir galin in Maamulak u dhismo kuna haysa xagal daacin (douwel track policy).

 

Sandkii 2014 ayaa waxa heshiis lagu saxiixay dhisida Maamulka Mudug iyo Galgaduud(Galmudug ) iskugu yimid xarunta madxtooyo Somaliya madax ka kala socotay Maamulada Galmudug,  Xibin iyo Xeeb iyo Ahlusuna waljamaca ay joogeen Maxda ugu sareysa dawlada sida Maadxweyne Xasan shiiq Raiisulwasare Cabdiwali Shiiq iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed shiiq Cusmaan  jawaari  iyo madxa ka socotay Caalamka.

 

Inta uu socday qorshaha  dhisida Maamulka Gobalaad dhexe waxaa la dhisay maamulda ku meelgaarkaa Ee juba ( Raaskanbooni EX Al-shabaab )iyo Koonfur Galbeed Somalia waxa si rabitaana shaqsiyaded ah ku hirgaliyey Madaxda Dawlada Xasan ba ha ugu horeyee maamulaas labada ah Ee Kumeel garkana ma jiro Maamul si toos ah ugu arinsha Gobal Toos kan Juba haba heeshin Kismaayo ayaa kala xadaysan maadaba ay san ku imaan rabitaan dad weyne.

 

Dawlada fadhiid kaa Ee Somaliya waxa horyaala soo dhameestirka dhisida dawlad Gobaldeed yada(sub states) waana wada lagu gaari karo helida kal sooni mid ah oo ka timaada guud ahaan Gobalada Dalka Somaliya qaas ahan  Gobalada dhexe oo ah jiritaan ka astaanta qaranka Somaliyeed madab ay ku mad lan yihiin inta badan beelaha Somaliyeed (veto power Vote)

 

Maadxweyne Xasan markii uu tagay Dhusamareeb waxa uu hoosta ka xariiqay xiliga kama danbeestaa ee uu furmayo shirka (Deedline) iyo wiliba goobta uu ka dhcayo waxa waqtigii uu qobtay uu ki ekaa 1/3/15 oo hada la soo dhafay ma jirto sabab cad oo si rasmiya loo shegay in shirku uu san la qabsomi karin   mana muuqata ifa faalo lagu dhiiran karo waxa dadka Gobalad dhexe ay yihiin (cidna uma maqna ceelna uma qodna)

 

Siyaasiinta Gobalada dhexe ayaa aamin san in ay ka talaabi la yihin dabin uu u dhigay Xasan Shiiq Maxmuud oo sababtii iskugu biyo dhurtay in jilib jilib ay isku dagalaman Dadka Gobalada dhexe qasatan kuwa Gobalka Galguud oo lagu furay mawjado kala duwan oo lagu cuur yaaminayo hor u socodna looga ilaalinayo aydoo la adeeg sanayo dad ka soo jeeda Gobalka oo huwan shaati Dawladeed laguna xasuuqayo maatida Gobalka oo qaar badan oo ka mid ah ay daad san yihiin duleedka Magalada Guraceel xiligan oo ah xili adag oo abaar ah baad yaro iyo biyo la aanba ay ka jiraan Galgaduud.

 

Nida Federalka ayaa dhibaato weyn ku hayaa bulshada Somaliyeed ee la dalaaa dhacaya Dawlad la aan iyo Nidaamka oo looga dhigay xeen daab qabiil oo aan la mari Karin  aanu soo qadana Magalada Gaalkayo oo ah  tusalaha mudan in la soo qato waxa hada socda dhisida Maamulka gobalaad dhexe waxa lagu wadaa in Casimada laga dhigo Magalada dhuusamreeb  waxa jira qeylo dhaan ka soo yeraysa siyaasiyiinta waqooyiga Mudug oo u arka Federalka mid lagu xagal daamenayo.

By wariye Bile labis

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here