Home Wararka caalamka Ahlu-suna iyo Dowlada Somalia oo Maanta Shir uga Furmayo Degmada Guriceel..Faafaahin…

Ahlu-suna iyo Dowlada Somalia oo Maanta Shir uga Furmayo Degmada Guriceel..Faafaahin…

0

Waxaa maanta lagu wadaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay wadahadalo uga bilowdaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ee Koox ka mid ah Ahlu Sunna iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Dowladda ee Gobolka Galgaduud.

 

Heshiiskaan oo uu garwadeen ka yahay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaada mudo bil ku dhow ka taagan Degmada Guriceel.

 

Qodobada la filayayo inay heshiiska ka mid noqdaan ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay Ciidamada ka saaraan Degmada si Dadkii halkaasi ka barakacay oo banaanada daadsan ay ugu soo noqdaan  Deegaanadooda.

 

Xabadjoojin dhinacyada Guriceel horay ay u dhexdhigeen Odayaasha dhaqanka ayaa fashilantay kadib markii mid midka kale oo uu ku xiray sharuud ah in uu Magaalada isaga baxo, lama waxa uu heshiiska Wasiirka Gaashaandhiga uu ka badali doono Xaaladda Deegaanka

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here