Home Wararka caalamka Maxkamad ku Taal Puntland oo Cafis u Fidisay 14 Qof oo Gaaray...

Maxkamad ku Taal Puntland oo Cafis u Fidisay 14 Qof oo Gaaray Cadaado..Fashil Cusub…

0

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa cafis u fidisey illaa 14 qoif oo horey loogu xukumey xabsiyo kala duwan kadib markii lagu eedeeyey in ay ka qeybgaleen shirka maamul u samaynta gobolada dhexe ee Cadaado qabanqaabadiisa ka socoto.

 

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa yiri “Maxkamadda markii ay weysey caddaymo loo cuskan karo eedaha loo heystey, maxkamadda markii ay u cadaatay in eedeysanayaasha in aysan galin dambiyada loo heystey waxa ay maxkamadda xukumeysaa in ay ka bari yeeleyso dambigaasi, sidoo kalana raaligalin laga bixiyo “ .

 

Waxa ay maxkamadda xukuntey in maamulka Puntland uu dadkani la cafiyey siiyo qarashaadkii kaga baxay ka dabo laabadka dacwadda maxkamadda taasi oo gaaraysa illaa $8,000 kun doolar, sidoo kalana magdhow looga dhigo raaligalin iyo in warbaahinta laga sheego in aysan wax dambi ah galin.

 

Sedex ka mid ah raggani ayaa maxkamadda ku sugnaa, halka kuwa kale ay u joogeen wakiilo iyo dad ehelkooda ah.

 

Waxayna dadkaasi kala yihiin kuwa soo socda

Xabsi Daa’im waxaa lagu xukumey:

  1. Cabdiweli Muuse Shire.

  2. Cabdirisaaq ismaaciil Xasan Darwiish.

  3. Cabdisalaam Cabdiqaadir Sheekh Doon.

Xarig toban sano ah ayaa lagu xukumay:

  1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.

  2. Cali Cigaal Af-gaab.

  3. Warsame Qolofeey Shiddo.

  4. Xasan Garabeey.

  5. Deeq Maxamuud Qaanso.

  6. Maxamed Barre Nuunuule.

  7. Cadooye Aadan Xasan.

  8. Xuseen Kuluc Maxamuud.

  9. Jaamac Maxamed Axmed.

  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

  11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here