Home Wararka Maanta Galmudug oo shaacisay in Sarkaal Shabaab ah oo Galmudug Laga Ergayay uu...

Galmudug oo shaacisay in Sarkaal Shabaab ah oo Galmudug Laga Ergayay uu isku dhiibay Cidamada XDS

0

Mid ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab oo lagu magacaabo; Cabdullaahi Macallin (Foodcadde) oo ka mid ahaa Shabaabkii ka firxaday dagaalka ka socda koofurta Gobolka Mudug ayaa isku dhiibay ciidamada XDS ee ku sugan aagga Baydhabo.

Cabdullaahi Foodcadde sida uu sheegtay wuxuu argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa xabsiyada, wuxuuna xusay jabkii cuslaa ee kooxdiisii uu ka tirsanaa ka soo gaaray dagaaladii ay la galeen ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ee looga qabsaday deegaanno badan oo ay ka talin jireen.

Sida la og-yahay firxadka argagixisadii dagaalka ku gashay gobolka Mudug ayaa gaaray gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah, waxaana jira tiro argagixisada ka mid ah oo weli dhuumaalaysi ku jirta kana cararay saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

xigasho Wasaaradda Amniga Galmudug

Ad
Previous articleAkhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta u taagan Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug
Next articleGudoomiye Cumar Finish oo xilalka ka qaaday Gudoomiyaal Degmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here