Home Wararka Somaliya Jubbaland Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kasoo Jorjeestay Maamul ay Dowlada Federaalku Taageertay

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kasoo Jorjeestay Maamul ay Dowlada Federaalku Taageertay

0

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) ayaa si cad uga hor-yimid maamulka cusub uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

Maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo ayaa khilaaf hor leh ka dhaliyay gobolka Gedo, waxaana maamulkaasi kasoo horjeestay siyaasiyiinta Gedo ku sugan iyo waxgaradka gobolkaasi.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in xalka kaliya ee gobolka Gedo arrintiisa loo heli karo ay tahay in uu xafiiska banneeyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , taa uu xusay in isaga iyo reer Gedo raali ka noqon karaan.

“Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed; sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan, waanba ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa anigu rabo” ayuu yiri Wasiir Doodisho.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka amniga Soomaaliya  ayaa uga sii daraya xiisada ka taagan gobolka Gedo, waxa uuna warkan waran ku noqonayaa maamulka Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in gobolka Gedo kusoo laabto gacanta maamulkiisa.

 

Ad
Previous articleShan gabdhood oo Soomaali ah oo Shil naxdin leh ugu dhintay Maraykanka
Next articleXisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uusan kamid aheyn Nabad iyo Nolol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here