Home Wararka caalamka Beelweynta Hawiye ee Norwey oo Taageertay Maamul u sameynta Goboladda Dhexe….

Beelweynta Hawiye ee Norwey oo Taageertay Maamul u sameynta Goboladda Dhexe….

1

Waxaa shalay dalka Norwey kadhacay Shir Lagu Taageerayay Shirka Maamul Usamaynta Gobolada Dhexe Isla markaasna ka digay Colaada Guruceel.

 

Shirkaas Oo Aysooqaban Qaabiyeen Jaaliyada Hawiye Ee Norwey Isla Markaana Looga Soohorjeeday Dagaalka Micna Darada Ah Ee Kasocda Degmada Guriceel.
Dadka Halkaas Kahadlay Waxaa Kamid Ahaa Suldaan C/Qawi Suldaanka Hawiye Ee Norwey Oo yiri Dagalka Kasocda Guriceel Waa Dagaal Diif Ah Oo Qurmuun Wax Uu Kusalaysan yahayne aan la aqoon, Shirka Dhuusamarebna Kutilmaamay Mid lagu Lug Goynayo Shirka Kadhici Rabo Cadaado Ee maamulka Loogu Dhisayo Gobolada Dhexe.
Sidoo Kale Duuliye Sare Shahar Cabdi Afrax oo kahadlay halkaas aya isna yiri Dagaalka Guriceel Waa in sideg deg ah loojoojiyaa Lana Tagaa Cadaado Si Shirka Maamul Usamaynta Gobolada Dhexe Loodardar Geliyo.

 

Cismaan Cabdi Kaahin C/laahi Ayaa Isna Yirin Ilmahaan Yar yaka ee laleeyahay Hoobiyahan hooyadaa lasoodhac ee aan waxba fahansaneen waxaan leeyahay kuwa usoodhiibaya Hakawaan toobaan Dadka Guricelna Waxaan Leeyahay Danihiina Garta Ee Iska Qabta Kuwaan Qoryaha La ordaya.

 

Waxaa Kaloo Asne Dhankiisa Kahadlay Ex Xildhibaan Cagaweyne Oo Sikulul Uga Hadlay Dagaalka Kusoonoqnoqday Dhulka Hawiye Ee Marba Shaar Diin Loosoogashanayo Siloobaa bi iyo Dadka degaanka Kunool. Yirina Cida Dagaalka Gadaal Kahurinaysa Waan Garanaynaa Waa Niman siyaasiyin ah oo leh kuxumeeya Dowlada iyo Xasan Sheekh iyo Kuwo Kale Oo Aaminsan In Hadii Halkan Maamul kadhismo kiinaa bur buraya waxaan leenahay dadka lugooyada kadaaya oo imaanka Ha idiin galo.

Dhamaan dadkii halkaan kahadlay waxay kasinaayeen in lajoojiyo dagaalka guriceel lana tago shirka maamulka loogu dhisayo gobolada dhexe ee loogu balan san yahay Magaalada Cadaado.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here