Home Wararka Maanta Hooyo iyo laba Caruur ah oo Dhashay oo ku Dhintay Qarax ka...

Hooyo iyo laba Caruur ah oo Dhashay oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Deegaan ka Tirsan oo Shalay Alshabaab laga Saaray

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay deegaanka Wamooley oo galbeed ka xiga deegaanka Ceel-lahelay oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad isku qoys ah oo ay ku jiraan hooyo iyo carruurteeda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheehay in qaraxa uu ka dhex dhacay guriga ay daganaayeen qoyska, waxaana dhintay hooyada iyo laba carruur ah oo ay dhashay

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen laba qof oo kale oo ka tirsan isla qoyska, kuwaas oo ay gurmad u sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in qaraxaas ay guriga ku dhex qarxiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ujeedkooda uu ahaa inay ku baabi’iyaan dadkaasi shacabka ah.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen inay haatan wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

Weerarkan agaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu jabiyay Al-Shabaab, inkastoo deegaanada qaar dib looga soo baxay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo aadan yabaal kulan kula Qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Dagaalka Alshabaab looga Saraayo Galmudug(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada iska soo Dhiibtay Alshbaab Tan iyo Markii Dagaalku bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here