Home Wararka Maanta Isbitaalka ugu weyn Qasa oo qarka u saaran koronto la’aan iyo Masar...

Isbitaalka ugu weyn Qasa oo qarka u saaran koronto la’aan iyo Masar oo codsi dirtay

0

Iyada korontada laga jaray qeybo badan oo Gaza ah, ayna mugdi u horseeday deegaanka, diyaaraha dagaalka ee Israa’iil ayaa sii waday inay xalay duqeeyaan deegaanada ku yaala aagga Qasa.

Istibitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza ayaa waxay haatan leedahay shidaal heyn kara afar maalmood oo kelya, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka.

Go’doominta Israa’iil ayaa waxay ka dhigantahay inay gabaabsi noqonayaan cuntada iyo biyaha nadiifka ah.

Dalka deriska la ah ee Masar, ayaa ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socda muddo lix saacadood ah si gargaar loo geeyo Qasa.

Ad
Previous articleIiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka wada hadlay xiisadda Falastiiniyiinta iyo Isaa’iil
Next articleGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo Haatan Xasiloon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here