Home Wararka Caalamka Weerar in ka badan 200 Qof oo Amxaaro ah lagu Dilay oo...

Weerar in ka badan 200 Qof oo Amxaaro ah lagu Dilay oo ka dhacay Gobolka Oromiya

0

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromiya waxaa ka dhacay weerar lagu laayay dad badan oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, waxaana weerarkan siyaabo kala duwan uga hadlay maamulka Oromiya iyo jabhada OLA.

Weerarkan ayaa lagu beegsaday dad kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, waxaana goobjoogayaal sheegeen in weerarka lagu dilay dad ka badan 230-qof oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay, waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir oo weerarka ka badbaaday.

Weerarkan ayaa masuuliyiin maamulka gobolka Oromiya waxa ay eedeeyeen in ay ka dambeeyeen jabhada gobolka Oromiyada ka dagaalanta ee OLA, waxaana weerarkan uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday Amxaarada.

 

Ad
Previous articleCiidamadii Ku Maqnaa Dalka eriteeriya oo Xog layaabl eh laga Helay
Next articleDowladda Soomaaliya oo daabacaysa Lacag Shilin Soomaali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here