Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo dib uga...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo dib uga qarxay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma oo haatan ka socda dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobola Sool.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Buqdharkayn oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac, waxaana dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayaa meelo fog fog.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland oo dhowr jiho kasoo weeraray ciidamada deegaanka SSC oo horay ugala wareegay deegaankaasi, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka haatan ka socda aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan uu sii xoogeysanayo dagaalka, waxaana gurmadyo dheeraad ah helay ciidamada labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ku aadan dagaalkaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Laascaanood, inkastoo ay labada dhinac is uruursi ciidan ay ka wadeen Sool.
Ad
Previous articleCali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ahaa Madax ka Tirsan Alshabaab oo soo galay Gacanta Dowlada Soomaaliya
Next articlelaftagareen oo ka Hadlay Damaca Xasan Shiikh ee wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here