Home Wararka Maanta Mo Farax oo kaalin lama filaan ah ka soo galay tartan lagu...

Mo Farax oo kaalin lama filaan ah ka soo galay tartan lagu qabtay Gabon

0

Mo Farax ayaa kaalinta 7-aad ka soo galay tartan orod ah oo lagu qabtay dalka Gabon.

Mr Farax ayaa 30 daqiiqo iyo 41 ilbiriqsi ku soo galay kaalinta todobaad tartanka oo ahaa midka 10 Km la ordayay, ka hor tartanka ee Marathon-ka ee London .

40-jirka afarta jeer ku guuleystay Olimbikada Faarax ayaa tababar ku qaadanayay dalka Itoobiya si uu ugu diyaar garoobo orodka 23-ka April.

Waxa uu ku dhawaaqay bishii Janaayo in uu rajaynayo 2023 uu noqdo sannadkiisii ​​ugu dambeeyay ee tartanka ka hor inta uusan hawlgab noqon.

Vincent Kipkemoi oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guuleystay tartanka Gabon 28 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi ayuuna ku dhameeyay.

Faarax ayaa ka baaqday tartankii orodkii Marathon-ka London ee 2022-kii, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray Sinta waxaana sanadkan uu noqon doonaa tartankii ugu horeeyay ee marathon-ka ah tan iyo 2019-kii.

Marathon-ka London 2023 waxa si toos ah looga sii dayn doonaa TV-ga BBC, iPlayer iyo online.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Dhul hor leh kasaaray Alshabaab(Sawiro)
Next articleDowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka Liyuu Boolis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here