Home Wararka Caalamka Warbaahinta Israa’iil oo qoraysa in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu baarlamaanka kala...

Warbaahinta Israa’iil oo qoraysa in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu baarlamaanka kala hadlo xiriirka Israel

0

Warbaahinta dalka Israaiil oo soo xiganaysay diblumaasi Soomaaliyeed ayaa sheegtay, in madaxweynaha Soomaaliya lagu wado inuu baarlamaanka kala tashado suurtagalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo lala yeesho Israa’iil.

Diblumaasiga oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u sheegay bogga Times of Israel, in dib ugu soo laabashada xukunka ee madaxweyne Sheikh, ay horumar wanaagsan u tahay xidhiidh cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Jerusalem.

Israa’iil ayaan xiriir diblumaasiyadeed la lahayn Soomaaliya oo ah dal Muslim ah oo suni ah isla markaana xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Dowladda Soomaaliyana, Israaiil uma aqoonsana dowlad.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan xiriiro la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil xilli uu safar ku joogay Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warkaas beenisay.

Bishii December 2015, shir lagu qabtay magaalada Qudus waxaa ka qeyb galay wasaaradda dhaqaalaha Israiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladdiii Soomaaliya ee uu xilligaas madaxweynaha ka ahaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Ad
Previous articleSargaal Ka Tirsanaa Ciidanka Amniga oo lagu dilay Muqdisho iyo Ninkii dilay oo la qabtay
Next articleNin Soomaali ah oo Masaajid ku yaalla Maraykanka ku Tooreeyey Imaamkii Masjidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here