Home Wararka Maanta Degmo ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray Oo Gargaar la...

Degmo ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray Oo Gargaar la Gaarsiiyay(Sawiro)

0

Deeq Gargaar ah ayaa shalay lagaarsiiyay Shacabka degmada Bacaadweyne, halkaas oo bilooyin ka hor laga saaray Maleeshiyaadka khawaarijta, kuwaas oo dhibaato ku hayay Shacabka magaaladaas iyo Degaanada Hoos yimaada.

Deeqdaan oo ka kooban Nuucyada kala duwan ee cuntada ayaa loo qeybiyay 700 oo qoys oo ay samaysay dhibaatadii Argagixisadu ku haysay degaanadaas, waxaana deeqdaan ay ka timid Xarunta Gargaarka iyo Bani’aadantinimo ee boqor salmaan ee Dalka Sacuudi Carabiya, waxaana Qeybinteeda fulinaysa Hay’adda Tadaamul.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleed Galmudug ayaa ka qeybgalay qeybinta deeqdaan Gargaarkaa ee la gaarsiiyay bulshada Danyartaa ee degmada Bacaadweyne.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xaruntii Hormuud Garasbaaleey ee Xalay Qaraxyada lagu Buburiyay(Sawiro)
Next articleSucdi Cabdi , Maryan Cali iyo Saynab Axmed oo ahaa Xaasas Alshabaab oo Maxkamada Lasoo Taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here