Home Wararka Maanta Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay Weerarkii...

Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay Weerarkii LagunQaaday Israil

0

Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore ciidamada ilaalada kacaanka Jamhuuriyadda Iran ku qaaday Israa’iil.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyaasha waddamada G7 ayey ku caddeeyeen in ay garab taagan yihiin ayna taageerayaan Israa’iil, waxa ayna Iran ku cambaareeyeen weerarka aargoosiga ah ay ku qaaday Israa’iil.

Hoggaamiyaasha G7 ayaa sheegay in weerarka dowladda Iran ku qaaday Israa’iil ay kordhineyso xasillooni darrada Bariga Dhaxe, waxa ayna ku baaqeen in laga fogaadaan in uu qarxo colaad aan la xakameyn karin.

” Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” aya alagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka G7.

Maamulka Israa’iil ayaa dhankooda laga cabsi qabaa in ay qaadaan weeraro aargudasho ah, taa oo haddii ay dhacdo laga cabsi qabo in xaalada Bariga Dhaxe , gaar ahaan colaada Iran iyo Israa’iil u dhaxeysa faraha kasii baxdo.

Ad
Previous articleDowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah
Next articleFaahfaahin Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here