Home Wararka caalamka Deegaanka Saaxdheer oo Dagaal Xoogan Markale ka Qarxay Maanta…

Deegaanka Saaxdheer oo Dagaal Xoogan Markale ka Qarxay Maanta…

0

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Halkaas uu ka Billowday Dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu Billowday Shalay Gelinkii Dambe, Fiidkii ayuu istaagay, waxaana Saakay Markale la sheegayaa in uu dib uga Billowday Saaxdheer, Halkaas oo Muddooyinkii lasoo Dhaafay ay ku dagaallamayeen Labada Dhinac ee Dirirtu u dhexeyso.

 

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay ku Gacan sareeyaan Dagaalka, Taliye u Hadlay Ciidamada Maamulkaas ayaana sheegay in ay Dileen ilaa 15 ka mid ah Ciidamadii la Dagaallamay, kuwaa oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyeyaal Ciidan sida uu Hadalka u dhigay.

 

Dhanka Maamulka Khaatumo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamuud Shiikh Cumar ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay soo Qabteen Laba Sarkaal oo Nool iyo Ciidamo ku dhintay Dagaalka oo uu Tiradooda ku sheegay ilaa 3 Halka tirada Guud ee ay Dileena uu ku sheegay 17 Ciidamo iyo Saraakiil isugu jira.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here