Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib Safar uu Turkiga...

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib Safar uu Turkiga u aaday

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynihii Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Dalalka Afrika.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Shirweynaha oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Dalalka, Ruwaanda Mudane Paul Kagame iyo Liibiya Mudane Maxamed Al-menfi.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dalka Turkiga iyo Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo takhasusyo sare ku samaynaya Isbitaallada Dalkaas, isaga oo ka dhegeystay war-bixinno ku saabsan xaaladdooda nololeed.
Ad
Previous articleBarakac xoogan oo ka socota Boosaaso iyo Khasaaraha oo sii Kordhay {Sawiro}
Next articlePuntland ayaa sheegtay in ciidanka Gorgor ee DFS ay ka dagaalamayaan Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here