Home Wararka Somaliya Galmudug Farmaajo oo ku Baaqay in Shuruudo la’aan Loo Joojiyo Dagaalka Boosaaso

Farmaajo oo ku Baaqay in Shuruudo la’aan Loo Joojiyo Dagaalka Boosaaso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

 

Ad
Previous articleWasiirka Warfaafinta Galmudug oo ka qeyb qaatay Howlgallo ka dhacay Galkacyo (Sawiro)
Next articleWasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Amray in Baaritaan Deg Deg ah Lagu sameeyo Taliyaha Ciidamada Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here