Home Wararka caalamka Howlgal Amni Xaqiijin Ah oo Maanta laga Sameeyay Degmada Dhuuso Mareeb..Faafaahin…

Howlgal Amni Xaqiijin Ah oo Maanta laga Sameeyay Degmada Dhuuso Mareeb..Faafaahin…

0

Ciidamada Booliiska ee degmada Dhuusa Mareeb ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

 

Howlgalka ayaa lagu baarayay gaadiidka iyo sidoo kale guryaha qaarkood oo ku yaalla degmada Dhuusa Mareeb.

 

Cabdullaahi Guuleed (Garaar) oo ah taliyaha saldhiga Booliiska ee Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in aysan jirin cid lagu qab qabtay howlgalkaan isaga oo tilmaamay in kaliya amniga ay ku xaqiijinayeen.

 

“Howlgalkaasi waxaa looga hortagayay in amni xumi timaado sida qaraxyo ama wax la mid ah oo dibadda nooga yimaada, hadda amaanka magaalada waa uu sugan yahay, laakiinse waxaan ka baqnay magaalada Banaankeeda in ay nooga yimaadaan, sidaa darteed waxaan rabnaa meel kasto inaan baarno, Hotel walba dadka jooga inaan tirinno, guri walba qofka joogo inaan xisaabinno si amaanka wax badan looga qabto” ayuu yiri Taliyaha.

 

Dhanka kale Taliyaha ayaa ka codsaday saraakiisha ciidamada Milatariga in xeryahooda lagu haayo, kaliyana magaalada cid aan shaqeyneen misane hubeysan lagu arki karin.

 

Degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaasi oo heer dhexe maraya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here