Home Wararka Maanta Wasiirkii Hore ee amniga Galmudug oo Si wayn u Dhaliilay Maamulka Axmed...

Wasiirkii Hore ee amniga Galmudug oo Si wayn u Dhaliilay Maamulka Axmed Qoor Qoor

0

Axmed Macalin Fiqi ayaa Bartiisa Facebook Si wayn ugu  dhaliilay Maamulka Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa  Sidaan Kusoo Qoray:

Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

1. Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.

2. Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.

3. Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.

4. Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.

Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhusmareeb iyo Gaalkacyo.

Ad
Previous articleFaadumo Cusmaan Oo Meherkeeda loo Balansanaa oo Saacd iyo Bar Kahor Meherkeeda Geeriyootay
Next articleGudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Maantay Gudoomiye Dooranaayo iyo Farmmajo iyo Rooble oo ku loo lamaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here