Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali guudlaawe oo Magacaabay Gudi Soo baara Dilkii Taliyii Saldhiga Baladweyne

Cali guudlaawe oo Magacaabay Gudi Soo baara Dilkii Taliyii Saldhiga Baladweyne

0

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saqdii dhexe ee xalay magacaabay guddi baaritaan ku soo sameeya dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Taliyaha ayaa Khamiistii ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay gudaha saldhigga, oo u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo boolis kale.

Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne ku soo magacaabay guddigan oo toddobo xubnood ka kooban, si baaris degdeg ah ugu soo sameeyaan shaqaaqadii Taliyaha lagu dilay.

Guddiga ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Gaashaanle Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, oo ah Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah:-

Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan, Taliyaha Booliska Hirshabelle, Gudoomiye Kuxigeen

Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, xubin
Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), Taliyaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, xubin

Laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dabaley, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Hiiraan, xubin
Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye, xubin
Laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed, xubin

Ad
Previous articleAlshabaab oo Soo Bandhigay Baaburtiibay ay Ka Qaateen Degmada Kaxda(Sawiro)
Next articleJubaland oo Maantay Dib U Bilowday Doorashadii Golaha Shacabka iyo Xildhibaano la Doortay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here