Home Wararka Maanta Boliska iyo Nabad sugida Dowlada Federaalka oo war ka soo saaray...

Boliska iyo Nabad sugida Dowlada Federaalka oo war ka soo saaray Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Talisyada Booliiska iyo Nabadsuigadda Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray shaqaaqo maanta ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay wadajir u soo saareen labada labada talis aaa lagu bilaabay sidatan:-

Maanta oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/02/2023 abaaro 12:30PM ayaa sarkaal katirsan C.X.D iyo maleeshiyaad la socday waxa ay si xoog ah ku jiireen bar koontarool lagu hubiyo gawaarida oo ku taalla isgoyska siinaay dhanka degmada Boondheere.

Rasaas ay bilaabeen Ciidankii sarkaalka la socday oo ka dhaga adeegay in la hubiyo ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca 1 qof oo shacab ah, labo  askari oo kamid ah askartii hubineysay koontaroolka iyo mid kamid ah askartii sarkaalka la socotay.

Ciidankii ku sugnaa bar koontaroolka lagu hubiyo amniga gawaarida soo gudbaysa ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo maleeshiyaad hubaysan ah, kana mid ahaa maleeshiyaad la socday sarkaalka ka tirsan C.X.D iyo laba BKM oo ay wateen.

Waxaa haatan socda baaritaan la xiriira dhacdadaan iyo baadi goobka dadkii ku lugta lahaa shaqaaqadaan maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee Muqdisho.

Ad
Previous articleSafaarada Turkiga oo soo dhoweysay talaabo uu qaaday Golaha shacabka Somalia
Next articleIlmo yar iyo dad kale oo nool oo 12 cisho ka dib burburka laga soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here