Home Wararka Maanta Madaxweynaha Jabuuti oo Taageeray Kacdoonka Ka Dhanka ah Alshabaab ee Kasocda Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo Taageeray Kacdoonka Ka Dhanka ah Alshabaab ee Kasocda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage oo lagu soo gabagabeeyay dalkaasi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore boggaadiyay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo inta badan gobollada dalka.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay toostay, islamarkaana ay u midowday sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

“Haddii maalin la toosi lahaa maanta waa la toosay dadkii dhan wuu wada jeedaa cid loo daneynayaa ma jirto, waa in la’iska dhiciyo,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Soomaaliyey howshaas waa loo dhan yahay Xasan Sheekh uun maaha, waa in loo dhammaado, xaqana lagu dagaalamo,”.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan ay qayb ka yihiin ka dowlad ahaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaas oo deegaanno iyo degmooyin cusub looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Adis Ababa Hub iyo Rasaasna u doontay Xili Dagaal adag lagula jiro Alshabaab(Sawirro)
Next articleSeddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo wajaheysa luminta Degmada aadan yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here