Home Wararka Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn...

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa kadib burburkii Dalkeenna(Sawiro)

0

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde waxaa maanta ka ambabaxay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa, kadib burburkii dalkeenna.

Dhoolatuskan oo ay ka qayb-galayaan dowlado kala duwan ayaa waxaa Soomaaliya ku metalaya saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Danab oo maanta laga sagootiyay Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa ciidamadan kula hadlay garoonka, iyaga oo kula dardaarmay inay si wanaagsan u metalaan Soomaaliya iyo dowladeeda.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo horay u la kulmay ciidamada ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay u yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale.

“Rag dhalinyaro ah ayaa socda aad ayaan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay dhaqan u leedahay yar yaraan iyo adkeysi” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray “Nasiib wanaag sidoo kale waxaa tihiin rag dhalinyaro ah oo maanta carbiska ugu haboon”.

Dhanka kale taliyaha ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada ka qayb-galaya dhoolatuskaasi, wuxuuna sheegay in laga rabo akhlaaq iyo adkeysi, muddada ay ku jiraan tababarkaasi.

“Waxaa la idinka rabaa bacda maa meesha la tegaayo ay tahay waddan dibadeed ciidamada ka qayb-galaayana ay yihiin ciidamo badan oo kala duwan oo ka kala socda dowlado badan waxaan rabaa inaad kor u qaadaan sumaddeena oo aad xambaarsan tihiin” ayuu ku yiri dardaraankiisa.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

Ad
Previous articleAlshabaab Badan oo lagu laayay Duqayn ka Dhacday…
Next articleAbuukaate Dudaaye oo Shaacicayay Sababta Badisay Dilalka Foosha Xun ee ka Dhacaaya Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here