Home Wararka Maanta Baadarigii dadka raacsan ka soomiyay cuntada illaa ay dhintaan oo la sheegay...

Baadarigii dadka raacsan ka soomiyay cuntada illaa ay dhintaan oo la sheegay in lagu helay caddeymo ku filan

0

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in hay’adaha baaristu ay aruuriyeen cadeymo ku filan oo lagusoo oogayo badari Paul Mackenzie inuu xasuuq geystay.

Waxa uu wasiirku sheegay in marka lasoo gabogabooyo baaritaanka, ay dolwddu u rogi doonto keynta goob lagu xasuusto dadkii halkaas ku dhintay.

Hogaamiyaha kaniisadda caalamiga ah ee Good News, Baadari Paul Mackenzie ayaa mar kale kasoomay cuntada.

Qareenka wadaadkan ayaa sheegay in ay doonayaan oo kaliya in uu helo caddaalad aan eex lahayn, xilli uu ku sugnaa maxakamadda Shanzu oo dacwada baadarigu ka socotay.

Talaabada uu baadarigu kaga soomay cuntada ayuu qareenkiisu ku tilmaamay in ay daba socotay hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki uu kushegay in baadariga aan iftiinka dib loo tusi doonin.

Qareenkadacwada baadari Paul Mackenzie ku matalaya dawladda ayaa xanuunsaday sidaas darteedna kamasoo muuqan doono maxkamadda, balse Agaasimaha Waaxda Dacwad oogista Kenya Noordin Haji ayaa doonaya in dhageysiga dib loo dhigo ilaa qareenku uu ka soo kabsanayo xanuunka.

Baadariga Muranka dhaliyey iyo 17 kale ayaa booliska gacanta ugu jira ka dib markii lala xiriiriyey soon aan la afureyn ilaa geerida, kaas oo boqolaal qof ay ugu dhinteen tan iyo bishii April ee sannadkan taas oo ka dhacday keynta Shakahola oo ku taal meel u dhow magaala xeebeedka Malindi ee dalka Kenya.

Ad
Previous articleGabadhii qoyskeeda lagu weeraray Boosaaso ee Sida Xun loola Dhaqmay oo Warbaahinta la hadashay
Next articleMadaxweyne Xasan iyo R/W Xamza oo si wadajir ah ula kulmay Isimada SSC(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here