Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca oo ku Dhawaaqay inay ku Biiraayaan Dagaalka Ka...

Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca oo ku Dhawaaqay inay ku Biiraayaan Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

0

Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ahlu Sunnada Koomnfur Galbeed ayaa shirkeeda kasoo saartay go’aanno culus oo ku aadan howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan saddexda gobolka ee maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed.

“Qodobada war-murtiyeedka waxaa kamid ah in Ahlu Sunna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ugu baaqaday dadka deegaanka iyo maamulkooda inay u midoobaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro halkaasi.

“Waxay soo saareen culimada Ahlu Sunna Wajamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed in loo midoobaa la dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka Ahlu Sunna

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waa inay wasaaradda awqaafta ay si buuxda u garab istaagtaa culimaa u diinka Ahlu Wajamaaca fikirkooda” ayaa mar kale lagu yiri war murtiyeedka.

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed, waxaana soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaminta ahaa ee Goordhow Dhacay
Next articleCiidamado Macawislay Hor leh oo Farabadan oo kusoo Biiray Dagaalka Kasocda koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here